Sunday, June 1, 2025

Mareykanka oo raadinaya inay Jabuuti la yeeshaan iskaashi waara

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriyeh, ayaa 29 May 2025 guddoominayay shir ganacsi oo lagu qabtay Djibouti, kaasoo uu soo qabanqaabiyay Guddiga Ganacsiga dalkaas.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka Jabuuti, shirkan ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta waftiga maalgashadayaasha Mareykanka, waxaana qeeb ka ahaa xubno ka tirsan jaaliyadda Mareykanka iyo madax sare oo ka socday qaybaha gaarka ah ee Djibouti.

Shirkan ayaa lahaa ujeeddo ah in uu fududeeyo is-dhaafsiga macluumaadka iyo dhismaha aasaaska iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal ee Djibouti iyo Mareykanka. Munaasabadda ayaa diiradda saartay qaybaha kala duwan ee dhaqaale sida loojistikada, tamarta, tiknoolajiyada cagaaran, dijitaalka, iyo dalxiiska – meelo ay labada dal si cad ugu muuqdaan inay ka wada shaqeyn karaan.

Maxamed Ismaaciil, oo madax u ah waftiga Mareykanka, ayaa muujiyay muhiimadda shirkan, isagoo sheegay in shirka uusan ahayn oo kaliya booqasho, balse uu ka tarjumayo rabitaanka labada dhinac ee ah in la dhiso mashaariic waara oo ku saleysan kalsooni iyo aragti wadajir ah.

“Shirkan ma aha kaliya booqasho, waxa uu ka tarjumayaa rabitaankeena ah inaan wada dhisno mashaariic waara, oo ku saleysan kalsooni iyo aragti wadajir ah,” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil.

Dhanka kale, Djibouti ayaa xoojisay rabitaankeeda iyadoo adkeysay booskeeda sidii xarun goboleed oo muhiim ah, waxaana Wasiir Diriyeh uu yiri, “Waddankeenu waa diyaar. Waxaan dooneynaa in aan soo dhaweyno, hal-abuurnimo sameyno, oo aan isku xirno.”

Shirkaan ayaa daba socday booqashadii safiirka Jabuuti ee Mareykanka Maxamed Saciid Ducaaleh ee Minnesota ee 2024, taasoo qayb ka ahayd ujeedada ah in Djibouti loo beddelo xarun hogaamineed oo loojistikada, ganacsiga, iyo tiknoolajiyada geeska.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here