Tuesday, May 6, 2025

Gobolka Banaadir oo la wareegay guri liddi ku ah amniga

Muqdisho, Soomaaliya – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay guri ay sheegeen in loo isticmaalayay falal ka dhan ah amniga qaranka. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar, ayaa akhriyay wareegtada kasoo baxday maamulka, isagoo ka warbixiyay go’aanka la wareegista guriga ku yaal degmada Xamar Jajab.

Afhayeenka ayaa sheegay in guriga uu leeyahay muwaadin lagu magacaabo Fahmo Warsame Gabayare, wuxuuna sheegay in la baabi’iyay dhammaan warqadihii lahaanshiyaha ee muwaadinka kadib markii loo isticmaalay ujeedooyin khatar ku ah amniga.

“Laga billaabo maalinta xeerkan la saxiixo, dowladda hoose ee Muqdisho waxay dan guud ula wareegtay dhul ay leedahay muwaadinka lagu magacaabo Fahmo Warsame Gabayare, kuna yaala degmada Xamar Jajab, waaxda Gaheyr, laanta Saqaawadiin, cabirkiisuna yahay 20 x 15 mitir,” ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Go’aankan ayaa lagu sheegay in uu ku saleysan yahay sharciga iyo xeerarka ku xusan dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay soo gudbiyeen Wasaaradda Amniga Gudaha iyo taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here