Las Anod, Soomaaliya – 10 Abriil, 2025:
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo 10ka ilaa 20ka Abriil 2025 la joojin doono qaadista Cashuurta Jidmarka ee gaadiidka laga qaado. Go’aankan ayaa la xiriira booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaano.
Ujeeddada go’aankan ayaa ah in la fududeeyo isku socodka bulshada iyo gaadiidka, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda booqashada weftiga Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo maamulka SSC-khaatumo ay sheegeen in muhiimad weyn u leeyahay.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale ku adkaynaya shacabka inay fududeyaan isu socodka gaadiidka, una hoggaansamaan awaamirta si habsami leh inta uu socdo booqashada Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barri, ayaa la filayaa inuu bari booqasho ku tago magaalada Laascaanood. Xamse ayaa la filayaa in uu halkaas ka dhagax dhigo doono in ka badan 10 mashruuc horumarineed.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale shacabka ku booriyay inay raacaan tilmaamaha amniga iyo hawlgalada la xiriira booqashada.