Juba (Dawan ) – Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay masaafurinta sideed nin oo lagu wareejiyay Koonfurta Suudaan, kaddib dagaal sharci oo dheer oo ka dhashay arrintaas, kaas oo ku dhammaaday go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo oggolaaday in masaafurinta la fuliyo.
Siddeeda maxbuus oo u kala dhashay dalalka Cuba, Laos, Mexico, Myanmar, South Sudan iyo Vietnam, ayaa muddo toddobaadyo ah waxaa lagu hayay saldhigga ciidan ee Maraykanka ee Djibouti.
Mid ka mid ah shaqaalaha ka howlgala garoonka diyaaradaha ee Juba ee South Sudan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in diyaaradda ay sideen raggan ay timid Sabtidii 6-dii aroornimo ee xilliga dalkaas. Meesha ay hadda kaga sugan yihiin South Sudan ayaanse la garanayn.
Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka (DHS) ayaa sheegtay in raggan lagu xukumay dambiyo waaweyn oo ay ka mid yihiin dilka darajada kowaad, xatooyada, ka ganacsiga daroogada, iyo xadgudubyo kufsi. Dib-u-dejintan ayaa abuuray khilaaf weyn, iyadoo ururada xuquuqda aadanaha iyo sharci-dejiyeyaasha ay cambaareeyeen go’aanka lagu diro dadkaas waddan ku jira colaado iyo xasilooni darro.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa marar badan ku boorrisay dadka safarka u socda Koonfurta Suudaan inay ka fogaadaan, iyadoo lagu war-geliyay khataraha ka dhasha dambiyada, afduubka, iyo dagaallada hubaysan. Inkastoo ay jiraan digniinahaas, Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa oggolaatay in la fuliyo masaafurinta, iyada oo ka soo horjeesatay amarka maxkamad hoose oo dib u dhigayey masaafurinta.
Dhinacyada dhaleeceenaya go’aankaanayaa ku andacoonaya in masaafurinta dadkaas loo diro meel dagaallo ka socda oo aan lahayn ilaalin sharci oo ku filan ay tahay xad-gudubka xuquuqda aadanaha iyo waajibaadka sharciga caalamiga ah.