Sunday, August 10, 2025

Bulshada Maasai ee Kenya oo xustay Maalinta Dadka Asalka ah.

Narok(Dawan) – Bulshada Maasai ee degmada Narok, Kenya ayaa Jimcihii xustay Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Asalka ah ee Adduunka oo ku beegan 9-ka Agoosto, iyagoo soo bandhigay qaab nololeedkooda reer-guuraaga ah iyo hiddaha dhaqameed ee bulshada degmadaas oo soo jiray qarniyo badan.

Bulshada Maasai, oo loo aqoonsan yahay inay ka mid tahay bulshooyinka ugu faca weyn uguna sumcadda badan Bariga Afrika, ayaa leh qaab nololeed reer-guuraaga ah iyo dhaqan gaar ah oo ka sooca bulshooyinka kale ee gobolka. Aqoonsigooda dhaqan ayaa weli xooggan inkasta oo ay jiraan cadaadisyada casriga iyo isbeddellada dhaqaale-bulsho ee soo kordhaya.

Dadka asalka ahi waa kooxo dad ah oo ku dhashay deegaan gaar ah, isla markaana ku noolaa kumannaan sano ka hor gumeysiga ama sameynta xuduudaha dawladaha casriga ah ee hadda jira aysan ku qasbin inay deegaan badalmaan.

Dadka Asalka ah ee caanka ah ee dunida waxaa ka mid ah Maasai ee Kenya iyo Tanzania dega, San (Bushmen) oo dega Koonfurta Afrika, Berbers (Amazigh) iyo Tuareg oo dega Waqooyiga Afrika.Sida ay sheegtay xogta ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay, in ka badan 476 milyan oo qof oo asalkoodu yahay dad-dhuleed ayaa ku nool in ka badan 90 waddan, taas oo matalaysa ku dhawaad 6% dadka dunida iyo in ka badan 5,000 oo dhaqan kala duwan. Waxay ku hadlaan inta badan ee luqadaha lagu qiyaaso 7,000 ee dunida.

Sanadkaan, Maalinta Caalamiga ah waxaa lagu xusayaa halku-dhegga “AI: Difaacidda Xuquuqda, Hagidda Mustaqbalka”, iyadoo diiradda la saarayo fursadaha iyo halista ay sirdoonka macmalka ahi (AI) u leedahay bulshada asalka ah. Qaramada Midoobay waxay ka digtay in haddii aan la helin ilaalin ku filan, AI ay dhaawici karto xuquuqda dadka asalka ah iyadoo loo marayo helitaan aan caddaalad ahayn, waxyeello deegaan, iyo sii xoojinta caddaalad-darradii gumeysiga ee taariikhiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here