Wednesday, April 2, 2025
Array

Macalinkii shalay ee wadankiisa ku matali doona fagaarayaasha caalamiga.

Ma ogtahay in macallinkii ardayda Jabuuti bari jiray luqadda Faransiiska uu maanta yahay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas?

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u magacaabay Cabdulkaadir Xuseen Cumar inuu noqdo Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Afhayeenka Dowladda, isagoo beddelaya Maxamuud Cali Yuusuf oo xilkan baneeyay bishii Abriil 2024, kaddib markii loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Cabdulkaadir Xuseen Cumar wuxuu shaqadiisa ka bilaabay macallinnimo, isagoo sannadkii 1996 ilaa 2002 ardayda wax ka baray luqadda Faransiiska.

Waxbarashadiisa sare wuxuu ku qaatay Jaamacadda Montpellier 3 ee Faransiiska, isagoo ku takhasusay Suugaanta Faransiiska Casriga ah iyo Ilbaxnimada Carabta. Waxa uu sidoo kale ku hadlaa luqadaha faransiiska carabiga iyo English-ka.

Waxuu xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradaha waxbarashada iyo tan arimaha dibadda Jabuuti, waxuu wasaaradda arimaha dibadda ka soo qabtay xilal ay ka mid yihiin La-taliyaha Sare ee Safaaradda Jabuuti ee dalka Kenya laga soo bilaabo 2015 illaa 2021, iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Waaxda Xiriirka Labada dal ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jabuuti intii u dhaxaysay 2007 illaa 2015.

Dhanka wasaaradda waxbarashada waxuu ka soo qabtay xilal ay ka mid yihiin; Ku-xigeenka Maamulaha Dugsiga Sare ee Ambouli, ee Wasaaradda Waxbarashada 2004 ilaa 2007, sidoo kale Macalin Luqadda Faransiiska,  ee Wasaaradda Waxbarashada. 1996 ilaa 2002.

Kahor intii uusan wasiir noqon, Cabdulkaadir wuxuu ahaa Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Kuwait, isagoo hoggaamiyay wafdiga Jabuuti ee shirweynihii 50-aad ee Ururka Shaqaalaha Carabta oo lagu qabtay Baqdaad 2024.

Khibraddiisa iyo xirfadihiisa ayaa ka dhigay in uu noqdo mid muhiim u ah siyaasadda arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda Jabuuti.

Macallinkii shalay fasalka dhexdiisa wax ku bari jiray, maanta waa wasiirka matalaya qarankiisa fagaarayaasha caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here