Thursday, July 24, 2025

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo soo dhaweeysay Gogosha 15ka Juun

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin mucaaradka soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeysay ku dhawaaqista Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku saabsan furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada ee qorshuhu yahay in lagu qabto magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025.

Madashu waxay adkaysay muhiimadda wadahadal dhab ah oo ays hegtay in looga hortagi karo hubanti la’aanta siyaasadeed iyo caqabadaha amni, siyaasadeed, iyo dhaqaale ee dalka ka taagan.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay Madasha Samatabixinta 1da Juun 2025 ayaa ku baaqay in la sameeyo geeddi-socod wadatashi oo diiradda saaraya arrimaha qaran ee muhiimka ah, gaar ahaan khilaafaadka siyaasadeed iyo amniga.

Qodobbada muhiimka ah ee Madasha soo jeedisay waxaa ka mid ah:

  • Wadatashigu waa inuu diiradda saaraa abuurista xalal waara oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed, oo ay ku jiraan dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka federaalka iyo dowlad goboleedyada ee soo socda, iyadoo xoogga la saarayo ciribtirka kooxaha Al shabaab iyo Daacish.
  • Gogosha waa inay noqotaa mid dhammaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay ka qaybqaataan si loo xaqiijiyo wadatashi qaran oo dhammeystiran.
  • Ajandaha wadatashiga waa inuu noqdaa mid cad oo leh qodobo qeexan oo lagu gorfeeyo inta lagu guda jiro wadatashiga.

Baaqa Madasha Samatabixinta ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay in 15ka Juun 2025 ay Muqdisho ka furmi doonto Gogosha Wadatashiga Siyaasadda iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taasoo ujeeddadeedu tahay in lagu abuuro wadahadal dhab ah oo ku dhisan danta guud ee dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here