Monday, June 9, 2025

Madasha Samatabixinta oo dalbanaysa hakinta soo xulista Guddiga Xuquuqul Insaanka

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa soo saartay war-saxaafadeed muujinaya walaac weyn oo ku saabsan habka xulista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka. Madasha waxay sheegtay in habka xulista uu si cad u baalmarsan yahay qodobbada 41aad iyo 111B ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah, kuwaas oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu dhiso guddiga xuquuqda aadanaha oo madax bannaan, loona baahan yahay in uu ahaado mid loo dhan yahay.

Sidoo kale, Madasha ayaa tilmaantay in habka xulista xubnaha Guddiga uu ka hor imanayo Sharciga Lr. 16 ee soo baxay 27kii Juun 2016, kaas oo faahfaahiyay habka loo marayo xulista xubnaha guddiga, gaar ahaan qodobkiisa 15aad, kaas oo qeexaya in Wasiirka Xuquuqul Insaanka, isagoo la tashanaya Dowlad Gobolleedyada iyo hay’addaha bulshada rayidka ah, ay soo magacaabi doonaan sagaal iyo toban (19) xubnood oo ka mid noqonaya guddiga.

Madasha ayaa ugu baaqday xukuumadda iyo madaxda dowladda in ay joojiyaan habka xulista ee aan waafaqsanayn Dastuurka iyo sharciga, isla markaana ay u oggolaadaan in xulista guddiga lagu sameeyo si waafaqsan Sharciga Lr. 16. Sidoo kale, waxay dalbadeen in fursad siman la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya in ay ka mid noqdaan guddiga, lagana fogeeyo faragelinta siyaasiyiinta.

Madashu waxay ugu dambeyntii ku baaqday in beesha caalamka, dalladaha bulshada rayidka ah, iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha ay si feejignaan leh ula socdaan xulista guddiga, si loo hubiyo in guddiga la xusho si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Lr. 16 ee kor ku xusan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here