Wednesday, July 23, 2025
Array

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo Federaalka ku eedeysay Dagaalka Beledxaawo.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa cambaareysay dagaalka ka dhacay Beledxaawo, ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Jubbaland, iyagoo dowladda Federaalka ku eedeysay hurinta dagaalka ka dhacay saakay magaaladaas.

Madasha ayaa sheegtay in ay horay madaxweyna Xasan kala hadashay dagaalka gobolka Gedo, balse ay tahay wax laga xumaado in dowladda federaalka ay iyada hurineyso colaadaha gudaha halki xalka qayb ka qaadan lahayd.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dagaalkii ku dhexmaray labada dhinac maanta magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Jubbaland iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay ka dhacay magaalada Beled-Xaawo, ee gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii Abdirashid Janan, oo ah taliyaha cusub ee NISA ee Gedo, uu subaxnimadii saakay ku gaaray diyaarad magaaladaas, taasoo la socdeen ciidamo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here