Jabuuti (Dawan) – Booliska Jabuuti ayaa shaaciyay olole cusub oo lagu adkeynayo xeerarka waddooyinka, gaar ahaan gaadiidka leh muraayadaha madow ama daboolan, iyadoo darawalada lagu wargeliyay in la marsiin doono ciqaab culus.
Kabtan Ismaaciil, madaxa Ciidanka Nabadsugida Waddooyinka, oo ka hadlay shir jaraa’id ayaa sheegay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka waddooyinka. Wuxuu xusay qodobka saddexaad ee Xeerka Waddooyinka oo dhigaya in afarta muraayadood ee dhinacyada iyo labada muraayadood ee hore iyo dambe ay ahaadaan kuwo cad oo muuqda.
“Darawalada ku dhajiyay bac, daah, ama walxo kale oo muraayadaha ka xannibaya aragtida waa inay si degdeg ah uga qaadaan gaadiidkooda oo ay u hoggaansamaan sharciga,” ayuu yiri Ismaaciil.
Sida uu sheegay booliska, gaadiidka lagu qabto muraayadaha madow ama wax lagu daboolay waxaa lagu wareejin doonaa xarunta dhexe ee booliska Naareed, halkaas oo milkiilayaasha lagu ganaaxi doono ganaaxyo culus.
Boolisku waxay carrabka ku adkeeyeen in sharcigan aanu khusayn shacabka kaliya balse uu sidoo kale qabanayo ciidanka kala duwan ee Jabuuti. Waxaa ciidamada iyo hay’adaha lagu booriyay in ay iyaguna si buuxda u hoggaansamaan xeerka waddooyinka.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in ololahan lagu doonayo in lagu hagaajiyo amniga iyo badbaadada waddooyinka isla markaana lagu xaqiijiyo in sharcigu si siman ugu dhaqmo dhammaan bulshada Jabuuti.