Jabuuti(Dawan)— Magaalada Jabuuti Waxaa si rasmi ah uga furmay Taladadii shirkii 7aad iyo 8aad ee Guddiga Xuquuqda Hantida Fikradaha Afrika (CIPR), kaas oo qeyb ka ah hanaanka lagu dhisayo nidaam mideysan oo Afrika ku yeelaneyso ilaalinta xuquuqda hal-abuurka iyo fikradaha. Shirka ayaa socon doona laga bilaabo 22-ka Luulyo ilaa 2-da Agoosto 2025.
Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay wakiillo ka kala yimid dalalka xubnaha ka ah Guddiga Xuquuqda Hantida Fikradaha Afrika, kuwaas oo hoos yimaada Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA). Ujeedada ugu weyn ee shirka ayaa ah in la xoojiyo doorka Afrika ee ilaalinta hantida maanka, iyadoo lagu gorfeynayo sharciyo iyo hannaan mideysan oo la jaan qaadi kara kobaca hal-abuurka iyo ganacsiga gudaha Afrika.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay bogga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika inta uu socdo shirka, waxaa diiradda lagu saarayaa xuquuqaha la xiriira hantida fikradeed sida:
- Xuquuqda hal-abuurka
- Curinta buugaagta
- Heesaha
- Farshaxanka
- Daawooyinka
- Teknoolojiyadda, iyo guud ahaan wax-soo-saarka maskaxeed ee Afrika ka soo farcamay.
Siada kale waxa u qoralaka intaas ku daraty in Guddiga Xuquuqda Hantida Fikradaha Afrika uu ku talo jirao in marka heshiisyada iyo qodobbada sharciga ah ee shirka laga gaaro la ansixiyo, ay suurta gal noqoto in hal-abuurka Afrika laga ilaaliyo wax-is-daba marin, laga dhigo mid Afrika leedahay, qiimayso, kana ganacsato si cadaalad ah.
Waqtigan la joogo, dalalka Afrika intooda badan waxay leeyihiin sharciyo kala duwan oo la xiriira hantida maanka, taas oo keentay caqabado badan oo ku saabsan ilaalinta iyo suuq-geynta fikradaha cusub. Balse shirka Jabuuti waxa uu rajeynayaa in uu dhidibada u aaso nidaam mideysan oo dal walba ka faa’iideysan karo, si loo yareeyo kala duwanaanta sharciyeed loogana faa’iideeyo hal-abuurka Afrika sida ay mudan tahay.
Shirkan wuxuu qeyb ka yahay dadaal ballaaran oo ay Afrika ku dhiseyso qaab-dhismeed rasmi ah oo ilaalinaya fikradaha iyo hal-abuurka bulshada, si loo xoojiyo dhaqaalaha, loona dhiirrigeliyo ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah.