Thursday, August 28, 2025
Array

Madaxweyene Xasan oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti.

MUQDISHO (Dawan) – Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa mar kale xaqiijiyay xiriirkooda taariikhiga ah, iyaga oo ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah inta lagu guda jiray kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya maanta, halkaas oo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Cabdulqaadir Xuseen Cumar, oo booqashadiisii ugu horreysay oo rasmiga ah  Muqdisho ku yimid.

Wasiir Cumar ayaa Madaxweynaha gaarsiiyay salaan iyo dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo carrabka ku adkeeyay sida Jabuuti mar walba garab ugu tahay Soomaaliya. Kulanka waxaa lagu xoojiyay muhiimada xiriirka labada dal, oo ku dhisan iskaashi amni iyo xasillooni gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Wasiirka u sharaxay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab iyo Daacish sida lagu qoray war-saxaafadeed ka soo baxay `villa Somalia.

Labada dhinac ayaa ku heshiiay in la sii adkeeyo iskaashiga istiraatiijiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka kooxaha Al-shabaab iyo Daacish iyo diblomaasiyadda gobolka.

Jabuuti waxay door muhiim ah ku leedahay amniga Soomaaliya, iyadoo ka mid ah ciidamada hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika, isla markaana Soomaaliya uga dooda fagaarayaasha caalamiga ah. Booqashadan ayaa loo arkaa mid mar kale muujinaysa sida Jabuuti uga go’an tahay taageerada geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here