Jabuuti (Dawan)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Isniintii xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Japan, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Japan, Nakatani.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Jabuuti, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada gaashaandhigga iyo amniga. Madaxweyne Geelle ayaa ku tilmaamay xiriirka labada dal mid muhiim ah, isagoo hoosta ka xarriiqay kaalinta ay wada shaqeyntu ku leedahay ilaalinta ammaanka marin-biyoodka Badda Cas iyo Bab el-Mandeb, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.
“Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta aaladaha hor-istaaga oo awood u leh inay ka jawaabaan khataraha soo baxaya,” ayaa lagu yiri bayaanka madaxtooyada.
Wasiirka Gaashaandhigga Japan ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti soo dhaweynta diirran, isagoo carrabka ku adkeeyay in Japan ay Jabuuti u aragto lamaane istiraatiiji ah oo kaalin weyn ku leh nabadda iyo xasilloonida gobolka.
“Wasiir Nakatani ayaa muujiyay mahadnaq uu u jeediyay dowladda Jabuuti taageerada muddada dheer ee ay siiso howlaha Ciidanka Isdifaaca Japan (JSDF) ee Jabuuti,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Japan.
Goobta istaraatiijiga ah ee Jabuuti ee marinka Bab el-Mandeb ayaa ka dhigtay xarun muhiim ah oo ganacsiga caalamiga ah iyo hawlgallada ciidan badeedka. Dalal ay ku jiraan Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska iyo Japan ayaa halkaas saldhigyo ku leh, taas oo muujinaysa doorka Jabuuti ee ilaalinta marinada iyo tartanka awoodaha waaweyn