Sunday, August 10, 2025

Madaxweynaha Somaliland oo hakiyay kordhintii qiimaha internet-ka

Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro,” ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in la hakiyay kordhinta dhawaan lagu sameeyay qiimaha adeegyada internet-ka iyo wicitaannada taleefannada gacanta, kaddib wadahadallo uu maamulka la yeeshay shirkadaha isgaarsiinta.

“Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen,” ayuu ku yiri madaxweynaha qoraal uu soo saaray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aanka lagu joojiyay kordhinta qiimaha uu dhaqan geli doono isla markiiba, iyadoo qiimayaasha lagu celinayo sidii hore ilaa amar dambe. Waxa uu intaa ku daray in maamulka uu la yeelan doono shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo wicitaannada wadahadallo degdeg ah oo lagu xallinayo arrintan.

Shirkadaha Somtel, Telesom iyo Soltelco — oo ah saddexda shirkadood ee bixiya adeegyada isgaarsiinta ee Somaliland — ayaa dhammaantood xaqiijiyay in qiimahooda lagu celin doono heerarkii uu ahaa ka hor intii aan la kordhin.

Go’aankan ayaa yimid kaddib dhaleecayn badan oo shacabka iyo isticmaaleyaasha ay ka muujiyeen kordhinta, iyadoo qorshayaal bannaanbaxyo ka dhan ah kordhintaas ay jireen maanta. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ayaa hore u amartay in dib loo eego isbeddelladan, iyadoo sheegtay in guddi loo xilsaarayo baaritaanka sababta keentay kor u kaca.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here