Wednesday, April 2, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ballanqaaday Gogol Nabadeed.

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay inuu diyaarinayo gogol nabadeed oo loogu talagalay in lagu wada hadlo sidii looga gudbi lahaa xaaladda adag ee dalku ku jiro. Madaxweynaha ayaa sheegay in gogosha uu fidinayo ay tahay mid looga gol leeyahay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed iyo in lagu dhiirrigeliyo wada shaqeyn dhexmarta dowladda iyo kooxaha mucaaradka ah.

Khudbaddiisa ciidda ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay, “Waxaan soo dhawaynayaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo qaranimadeenna, waxaanna gogol u fidinaynaa siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si aragtiyahooda iyo dadaalkooda uu qayb uga noqdo dagaalka khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah.”

Baaqa Madaxweynaha ayaa helay taageero ballaaran oo ka timid hoggaamiyeyaasha mucaaradka sida Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaas oo dhammaantood codsaday in la bixiyo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan ajendaha, waqtiga, iyo cidda ka qeybgaleysa shirka. Waxay rajo ka muujiyeen in wadahadalladu noqdaan kuwo mira dhal ah.

Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sidoo kale taageeray baaqa nabadda. Axmed Madoobe, oo horey uga soo horjeeday siyaasadaha dowladda federaalka, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaallada nabadda.

Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sidoo kale soo dhoweeyay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku tilmaamay tillaabo loo qaaday dhanka saxda ah.

Inkastoo taageerada mucaaradka ay muuqato, Maamulka Puntland ayaan weli ka falcelinin go’aanka Madaxweynaha. Puntland, oo marar badan khilaaf kala dhexeeyay dowladda federaalka, ayaa la sugayaa inay caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan gogosha nabadeed ee la soo bandhigay. Waxaa la filayaa in gogosha uu Madaxweyne Xasan soo jeediyay ay noqon karto fursad lagu xalliyo caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee dalka ka jira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here