Sunday, July 27, 2025
Array

Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqasho ku Tagay Jabuuti.

Jabuuti (Dawan) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Jabuuti, isagoo ku sugan booqasho rasmi ah oo laba maalin ah oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, si looga wada hadlo iskaashi ku saabsan arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, horumarinta dhaqaalaha, isku-duwidda siyaasadda, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

“Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Socdaalkan ayaa noqonaya booqashadii 9aad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago Jabuuti tan iyo markii dib loo doortay bishii May 2022, taasoo muujinaysa muhiimadda labada dowladood ay siinayaan xiriirkooda istaraatiijiga ah iyo midka diblomaasiyadeed.

Jabuuti waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo ka mid ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya(AUSSOM) iyaga oo ka howl gala dowlad goboleedka Hirshabeele.

Dhanka kale madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna Muqdisho soo booqday tira laba jeer ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here