Tuesday, May 27, 2025

Cirro oo dalbaday aqoonsi degdeg ah oo caalami

HARGAYSA – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro”, ayaa si rasmi ah ugu baaqay beesha caalamka in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland, isagoo ku nuuxnuuxsaday diyaar garowga Somaliland ee ka qaybgalka sugidda amniga gobolka, horumarinta dhaqaalaha, iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Cirro ayaa khudbad xooggan ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 34 sano guuradii kasoo wareegtay gooni-isu-taagga Somaliland, taas oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada Hargeysa galabnimadii 18 May 2025. Wuxuu sheegay in 18-ka May 1991 uu ahaa maalin ay Somaliland bog cusub u furtay is-go’aan qaadasho iyo adkeysi ah.

“Waqtiga shaki iyo ka labalabeyn waa dhammaaday. Aqoonsiga Somaliland ha noqdo mid aan ku muujinno kaliya xasillooni, laakiin sidii dawlad madax-bannaan,” ayuu ku dhawaaqay madaxweynuhu.

Cirro wuxuu xusay guulaha Somaliland ay ka gaartay maamulka, nabadda iyo dimuqraadiyadda, inkasta oo aanay weli helin aqoonsi rasmi ah. Wuxuu tilmaamay in Somaliland ay ka soo kabatay dagaallo iyo cadaadis, iyadoo midnimo iyo is-kaashi dhexdeeda ah ku dhistay hay’adihii dowladnimo.

“Waxaan xusuusanahay sannadihii madow, laakiin waxaan ka helnay xoog midnimo, ma aha ciqaab,” ayuu yiri.

Isagoo la hadlayay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Cirro wuxuu caddeeyay in go’aanka Somaliland uu yahay mid ka dhashay guuldarrooyinkii ka dhashay midowgii 1960, isla markaana uusan ka dhalan naceyb ama colaad. “Annagu ma doonayno is-khilaaf, balse waxaan rabnaa coexistance nabadeed oo ku saleysan aqoonsi wada-jir ah iyo sinnaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay midnimo iyo wadajir si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka. “Ha u oggolaanin kala qaybsanaanta siyaasadeed inay hoos u dhigto danta Somaliland. Aan wadajir u riyoono, aan si wadajir ah u shaqeyno, oo aan xaqiijinno riyooyinkaas mustaqbalka Somaliland iyo jiilalka soo socda,” ayuu ku soo xiray hadalkiisa.

Somaliland waxay sheegatay inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, balse ilaa hadda ma helin aqoonsi rasmi ah oo uga yimaada dowlad ka tirsan Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here