Hargeysa –Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa shalay madaxtooyada ku qaabilay wakiilka Soomaaliya ee hay’adda Cunnad iyo Beeraha Adduunka ee Qaramada Midoobay (FAO) iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Sida lagu sheegaty warsaxaafadeed ka soo baxay Madxtooyada Somaliland Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay wafdiga FOA howlaha soo jireenka ah ee ay hay’addu ka waddo gudaha Somaliland, gaar ahaan taageerada ay siiso bulshada reer miyiga ah.
Sida ay sheegaty Madxtooyada Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxa ay diiradda saareen sidii loo horumarin lahaa xoolaha, nolosha reer miyiga, beeraha iyo kalluumaysiga. Waxa sidoo kale laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac ee ku saleysan horumar waara.
Wakiilka FOA ayaa dhankiisa muujiyay in hay’addu diyaar u tahay inay sii xoojiso ajandaha horumarineed ee Somaliland si loo xaqiijiyo hirgelinta barnaamijyada muhiimka ah ee deegaanka iyo nolosha bulshada.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xukuumaddiisa dib u habaynta kaalmada ay siiso FOA Somaliland, si looga gudbo deeq-bixin kumeelgaar ah loona gaaro koboc la taaban karo.
Hay’adda FOA ayaa Soomaaliland ka fulisa mashaariic la xiriira horumarinta beeraha ,biyaha, la dagaallanka abaaraha, iyo isbeddelka cimilada.