Hargeysa, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah Madaxtooyada kula yeeshay Danjire-ku-xigeenka Dowladda Finland u qaabilsan Soomaaliya, Ms. Nelli Mikkola.
Sida lagu baahiyay madaxtooyada somaliland ,Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada nabadaynta, horumarinta bulshada iyo dhisidda hay’adaha wasaarada. Madaxweyne Cirro ayaa uga mahadceliyey Dowladda Finland taageerada joogtada ah ee ay u fidiso shacabka Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa si gaar ah u xusay baahiyaha mudnaanta u leh shacabka Somaliland ee ay Finland ka taageeri karto, kuwaas oo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada, farsamada gacanta, iyo kobcinta awoodda hay’adaha somaliland
Dhinaceeda, Danjire Nelli Mikkola ayaa bogaadisay habsami u socodka doorashooyinkii Soomaaliland iyo sida hufan ee xilka loogu kala wareegay.
Danjiraha ayaa tilmaantay in Dowladda Finland ay diyaar u tahay inay Somaliland ka taageerto arrimo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada, iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka.
Nelli Mikkola waxay noqotay Danjire-ku-xigeenka Dowladda Finland ee Soomaaliya bishii Agoosto 2024 . markeedii ugu horreeyay ee Muqdisho waxay ahayd bishii Maajo 2024, iyadoo kulamo muhiim ah la yeelatay mas’uuliyiinta dowaldda somaaliya , gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha