By Asha Elmi
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku baaqay in la sameeyo wada-tashi dhab ah iyo go’aan wadajir ah si looga jawaabo xaaladaha siyaasadeed ee dalka. Deni, oo ka hadlayey Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Baarlamaanka Puntland, ayaa carabka ku adkeeyey in wadatashiyo iyo go’aan wadajir ah ay yihiin kuwo muhiim u ah xaaladda Soomaaliya, isagoo si gaar ah uga jawaabey hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, ee ku aaddanaa wada-tashiga dowladda la yeelanyso qeebaha bulshada inay dowadda go’aanka kama dambeysta ah leedahay.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in waqtigan aanay dowladda iyo hay’adaha dowladda ku filnayn inay go’aan ka gaaran arrimaha siyaasadeed iyaga oo aan la tashi la sameynin dhinacyada kale ee dalka. Wuxuu sheegay in wada-hadallo dhab ah ay lagama maarmaan u yihiin xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee jira.
“Dowladdu xaaladdan oo kale markay ku jirto wada tashi uma baahna iyo Wax la dhaho ray’i baan ka qaadanayaa go’aanka anaa iska leh, ee waxay u baahan tahay shirar dhab ah oo go’aan wadajira ah lagu gaaro,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Hadalkan ayaa si cad ugu jawaabaya hadal uu Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan ka sheegay in wada-tashigu muhiim yahay, balse go’aan ka gaarista ugu dambeysa ay tahay mid ku kooban hay’adaha dowladda.
Baaqan ku aaddan wada-tashiyo dhab ah iyo go’aan wadajir ah ayaa ku soo beegmay xilli ay si rasmi ah u socoto qaban-qaabada Gogosha Wadatashiga Qaran ee Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo in uu ka furo Muqdisho maalinta berri ah kaas u jeedku yahay in laga wada hadlo xaladda siyaasdeed ee dalka iyo tan amni.