Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw cabdi ayaa sheegay in Magaalada Ceerigaabo ay ka midtahay Somaliland, nabad qabkeedana somaliland dhan ay muhiim utahay.
Madaxweyne ku xigeenka oo ka qeeb galayay barnaamijka diiwaangelinta Ciidamada Madaniga ee Gobolka Sanaag ayaa ka hadlay xaaladaha kataagan gobolka Sanaag gaar ahaan Ceerigaabo, isagoona sheegay in ceerigaabo ay ka midtahay Somaliland , nabadda kajirtana ay muhiim utahay Somaliland oo dhan.
“Ceerigaabo Sanaag ayay kamidtahay waa Somaliland , haday ceerigaabo bugto o o aysan caafimaad qabin Somaliland-na way bukeysaa”
Hadalka madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa kusoo aadaya ayada oo dhawaan hogaamiye kuxigeenka SSC khaatumo uu sheegay in ceerigaabo ay ka midtahay deegaanada SSC-khaatumo .
Magaalada Ceerigaabo ayaa marar marar badan martigelisay dagallo u dhexeeya SSC khaatumo iyo Somaliland iyadoo mid kii kasto uu sheegto inaay hoos tagto.
Sidoo kale Magaalada ayaa marar sii horeysay waxaa kadhacay dagaalo u dhexeeya labada dhinac , kuwaas oo sababay barakac ballaaran. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dagaalkii ugu dambeeyay wuxuu sababay in ku dhowaad 43,000 qof ay ka qaxaan magaalada.