Monday, April 28, 2025

Dhameestirka diiwaangelinta Ciidamada Madaniga ah ee Somaliland

Soohoyde

Soomaaliland maanta waxa ay soo gabagabeysay guud ahaan diiwaangelinta ciidamada madaniga ah, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Soomaliland.

Mashruucii diiwaangelinta ciidamada madaniga ah ee Soomaaliland ayaa kusoo gabagaboobay maanta degmada Quri-lugud, halkaas oo ahayd goobtii laga bilaabay bilo kahor.

Maxamed Cali Aw-Cabdi, madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland, ayaa sheegay in diiwaangelintani ay uga dhigantahay Soomaaliland hormar weyn, meeshana ay ka saari doonto in reer walba hub heesto.

Mashruucii diiwaangelinta ciidamada madaniga ee Soomaaliland inuu maanta soo gabagaboobay, oo aan xirnay, kuna soo dhammaaday degmada Quri-lugud,” ayuu madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland sheegay.

Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya aysan jiri karin ciidan aan ahayn kan Soomaaliland oo hub haysan kara. Ciidamada ayuu sidoo kale faray in gaadiid kasta oo hubeysan, ciidamada Somaliland-na aan ahayn, in gacanta lagu soo dhigo, sharcigana lala tiigsado.

Diiwaangelinta ciidamada madaniga ah ee Somaliland, waxa ay dhamaadkii bishii labaad ee sanadkaan ka bilaabatay deegaanka Quri-lugud, iyada oo maantana halkaas lagu soo gabagabeeyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here