Wednesday, April 2, 2025

Kulanka ONLF & DDS: Bilow Nabadeed Mise Muuqaal Siyaasadeed?

 Soohoyde

Jigjiga –Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa Madaxtooyada deegaanka ku qaabilay qaar kamid ah hoggaanka sare ee ururka Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), kuwaas oo ay hoggaaminayeen mas’uuliyiin uu kamid yahay Cabdikariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax).

Kulankan ayaa yimid xilli mas’uuliyiinta ONLF ay booqasho ku tageen Madaxtooyada Jigjiga, taasoo la xiriirtay munaasabadda Ciidul-Fidriga. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin qodobada looga wada hadlay kulanka, haddana  xafiiska Madaxweynaha DDS  ayaa sheegay in kulanku ahaa mid ay labada dhinac isugu hambalyeynayeen maalmaha ciidda.

Kulanka ayaa kusoo beegmay xilli khilaafaad xoogan uu ka dhex jiro ururka ONLF iyo dowladda federaalka Itoobiya. ONLF ayaa dhowaan war-saxaafadeed ay soo saartay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay ku guuldarreysatay fulinta heshiiskii nabadeed ee ay labada dhinac kala saxiixdeen lix sano kahor, kaasoo lagu soo afjaray dagaalkii dheeraa ee ka socday deegaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha ururka ONLF ayaa dhankiisa ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay burburisay dhammaan qodobadii lagu heshiiyay, isagoo ku dhawaaqay in ururku aanu mar dambe diyaar u ahayn wadahadal ay la yeeshaan dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si cad u beeniyay eedeymaha ONLF, iyagoo sheegay in deegaanka iyo dowladda federaalku ay sii wadaan dadaallada xasilinta iyo horumarinta gobolka.

Isbedbedelka xaalada siyaasadeed ee deegaanka Soomaalida ayaa markale soo jiidatay indhaha falanqeeyayaasha, iyada oo la saadaalinayo in xiriirka u dhexeeya ONLF iyo dowladda Itoobiya uu markale galayo marxalad cusub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here