Sunday, June 29, 2025

Madaxweyne Ruto oo ku wajahan UK iyo Spain.

Mogadishu (Dawan) – Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo Spain iyo Boqortooyada ingriiska, halkaasoo uu kusoo saxiixi doono Heshiiska Istiraatiijiyadeed ee Kenya iyo UK ee dib loo cusboonaysiiyey.

Madaxweyne Ruto ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha UK, Sir Keir Starmer, iyaga oo kala  saxiixan doona Heshiiska Istiraatiijiyadeed ee Kenya-UK 2025-2030.

Heshiiskaan dib loo cusboonaysiinayo ayaa diiradda saaraya afar tiir oo kala ah: ganacsi, cimilada, teknoolojiyadda, iyo ammaanka. Ujeedadu waa in la labanlaabo ganacsiga labada dal kahor sanadka 2030, kor loo qaado xirfadaha dijitaalka ah ee Kenya, iyo in la xoojiyo xasilloonida gobolka iyada oo la iska kaashanayo la-dagaallanka argagixisada, khataraha internet-ka, iyo tallaabooyinka cimilada.

Qodob kamida  heshiiska  ayaa ah dhameystirka mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhismaha, oo ay ku jirto Nairobi Railway City, taasoo la filayo inay u beddesho Xarunta Ganacsiga ee Nairobi magaalo casri ah oo ku tiirsan gaadiidka dadweynaha. UK ayaa ballanqaaday inay maalgelin gaaraysa £1.5 bilyan ku samayn doonto qaybaha muhiimka ah ee kobaca Kenya kahor sanadka 2030.

Heshiiska waxa kale oo diiradda lagu saarayaa tallaabooyin la xiriira cimilada, iyadoo labada dal ay ka go’an tahay inay furaan maalgelin cagaaran oo ka timaadda ilo kala duwan.

Kahor inta uusan UK u dhaqaaqin, Madaxweyne Ruto waxa uu safarkiisa ku bilaabi doonaa Spain, halkaasoo uu ka qayb qaadan doono Shirweynaha Afaraad ee Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarka.

Madashan heerka sare ah ayaa ujeedadeedu tahay in dib loo qeexo mabaadi’da horumarka iyadoo la tixgelinayo caqabadaha caalamiga ah sida saboolnimada, sinaan la’aanta, xasillooni-darrada dhaqaale iyo isbeddelka cimilada.

sidoo kale Ruto  waxuu wada-hadallo  laba geesood ah  la qaadan doono hoggaamiyeyaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, iyo Boqorka Felipe VI, kuwaasoo diiradda lagu saari doono iskaashi qoto dheer oo ku saabsan tamarta nadiifka ah, dhiirrigelinta dhalinyarada, iyo adkeynta awooddaha looga hortago cimilada.

Kulamadaan Ruto waxa ay muujinayaan dadaalka Kenya ay ku xoojinayso xiriirka caalamiga ah iyo sidii ay u horumarin lahayd ajandaha isbeddelka dhaqaale ee heer caalami.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here