Friday, June 6, 2025

Madaxweyne Xasan oo u caddeeyey Ururrada Siyaasadda Hirgelinta Doorasho “Qof iyo Cod ah”

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee isu diiwaangeliyey doorashada, isagoo u sheegay inay ka go’an tahay in Soomaaliya ay qabato doorasho “Qof iyo Cod ah.”

Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, kulankan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta nidaamka “qof iyo cod,” isagoo madaxweyne Xasan ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu xusay in dowladdu ay ka go’an tahay in la dhameystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in hoggaanka ururrada siyaasadeed ee la kulmay Madaxweynaha ay dhinacooda bogaadiyeen dadaalka iyo go’aanka dowladda ee dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyey in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah.

Kulankaan uu la yeeshay Madaxweynaha ayaa imanaya iyadoo hanaanka doorasho ee dowladda Madaxweyne Xasan hoggaamiyo uu diidmooyin kala kulmayo mucaaradka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here