Tuesday, July 15, 2025

Madaxweyne Xasan oo Booqasho ku Tegay Masar xilli ay jirto Xiisadda Nile

Qaahira(Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Al-calamayn ee dalka Masar, kadib markii uu ka helay martiqaad rasmi ah oo uga yimid dhiggiisa dalkaas, Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi.

Booqashadan, oo ah tii labaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh sanadkan ku tago dalka Masar ayuu ku joogaya laba maalmood , waxayna ku soo beegantay xilli ay cirka isku shareertay xiisadda gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan arrinta biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ay dhistay ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo itoobiy ay sheegtay inay dhismihiisa dhamestirtay, kaasoo ay Masar si weyn uga soo horjeedo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Qaahira la kulmi doona Madaxweyne Al-Sisi, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, iskaashiga amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, iyo arrimaha gobolka sida ay madaxtooyadu sheegtay.

“Madaxweynaha waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigelinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada shacab.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Masar ayaa kusoo beegantay iyadoo Dowladda Masar ay Jimcihii sheegtay in Itoobiya aysan weligeed muujin rabitaan siyaasadeed oo dhab ah si heshiis sharci ah looga gaaro arrinta biyo-xireenka. Masar waxay sheegtay in dhismaha la dhammeystiray uu khatar ku yahay xaqa ay ku leedahay biyaha Webiga Nile, oo ah ilaha biyaha ugu weyn ee ay ku tiirsan tahay nolosha in ka badan 100 milyan oo qof.

Biyo-xireenka GERD, oo ku yaalla webiga Blue Nile meel u dhow xadka Suudaan, ayaa la filayaa inuu soo saaro in ka badan 6,000 megawatts oo koronto ah — taasoo laba jibbaar ka ah awoodda koronto ee hadda ay Itoobiya leedahay. Dhismaha xireenka ayaa ku kacay in ka badan $4 bilyan, wuxuuna noqday saldhigga ugu weyn ee muranka iyo xiisadda siyaasadeed ee gobolka.

Booqashadan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale isha lagu hayaa maadaama xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu si weyn u xoogeysanayay tan iyo markii Itoobiya ay sanadkii hore heshiis badeed la gashay Somaliland walow tan iy dhexdheexaadintii Turkiga ay hoos u dhigtay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here