Muqdisho (Dawan ) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday nabadgelyada iyo badqabka ciidamadii ka tallaabay xuduudda Kenya kadib dagaaladii kadhacay gedo , isagoo ku amray in ay dib ugu noqdaan deegaannadoodii.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya talaadadii ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu xaqiijiyay in aan cidna lagu soo rogi doonin ciqaab, isla markaana ciidamadaas utalaabay xadka kenya loo dammaanad qaaday badqabka iyo nabadgelyadooda.
“Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa amray ciidamada ka tallaabay xuduudda Kenya in ay dib ugu noqdaan deegaannadoodii, isagoo xaqiijiyay in aan la ciqaabi doonin cidna, isla markaana loo ballan qaaday badqabka iyo nabadgelyadooda” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka madaxtooyada.
Qoraalka madaxtooyada ayaa marka hore tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku geeriyooday dagaalladii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, iyadoo Madaxweynaha uu u rajeeyay dhaawacyada caafimaad degdeg ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay bixiso gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo si loo caawiyo dadka ay saameeyeen xaaladda ka taagan gobolka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadaha gobolka in ay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Amarka madaxweynaha soomaaliya ee nabad gelyo siinta ciidamadii kataalabay xadka kenya, kadib markii degmada baladxaawo uu dagaal kudhexmary ciidamo katirsan dowladda soomaaliya oo uu hogaaminayayCabdirashid Janan, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda (NISA) ee Jubbaland, iyo cutubyo katirsan kuwwa jubaland.
Dagaalkaas ayaa sababay in ciidamo katirsan jubaland ay ubaxsadaan dhanka kenya, halka sidoo kale uu ku geeryooday Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Jubbaland, Xuseen Wali Cali (Xuseen Giif), sida ay xaqiijisay Jubbaland.