Friday, April 18, 2025

Xasan oo ka qaybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya 2025

Antalya, Turkiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, si uu uga qaybgalo meertada afraad ee Madasha Diblomaasiyadda Antalya 2025, taasoo socon doonta inta u dhaxaysa 11–13 Abriil.

Madashan sanadkan waxa ay leedahay hal-ku-dheg ah: “Soo Celinta Diblomaasiyadda Dunida Kala Firdhan.” Waxaa lagu falanqeynayaa doorka muhiimka ah ee diblomaasiyaddu ku leedahay xasillinta caalamka, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka juqraafiyeed, caddaalad-darrada caalamiga ah, isbeddelka cimilada, iyo caqabadaha tiknoolajiyadeed.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu madasha joogo la yeelan doona kulamo gaar ah madaxda ka socota dalal kala duwan oo ay Soomaaliya xiriir la leedahay. Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, amniga, iyo kobcinta dhaqaalaha.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa madaxda caalamka ee madasha martida ku ah kala hadli doona arrimo muhiim u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka ay matalayaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada.

Madaxweynaha waxaa madasha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Madasha Diblomaasiyadda Antalya ayaa isu keeni doonta madaxda caalamka, siyaasiyiin, aqoonyahanno, warbaahin, iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, si ay uga wada hadlaan dib-u-habaynta doorka diblomaasiyadda iyo xal-u-raadinta caqabadaha isa-soo taraya ee dunida maanta haysata.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qaybgalayo madashan, isagoo sanadkii hore ee 2024 sidoo kale ka qeybgalay kulankii dhacay 1–3 Maarso, xilligaasoo uu madasha kaga hadlay muranka ka dhashay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here