Thursday, June 5, 2025

Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay xilliga gogosha wadatashiga

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay in 15ka Juun 2025 magaalada Muqdisho ay ka furmi doonto Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taasoo madaxtooyadu ujeeddada ku sheegtay in lagu abuuro wadahadal dhab ah oo ku dhisan danta guud ee dalka.

Ku dhawaaqistan ayaa timid, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya maanta, kadib wadatashiyo ballaaran oo Madaxweynaha la yeeshay todobaadyadii la soo dhaafay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin hoggaamiyeyaashii hore ee dalka, dowlad goboleedyada, ururrada siyaasadda, iyo bulshada rayidka ah.

Siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa lagu boorriyey inay u diyaar garoobaan, islamarkaana ka soo jawaabaan casuumadda rasmiga ah ee Madaxweynaha. Gogoshaan ayaa madaxweynaha 29 March 2025 balamay inuu qaban doono, waxaana muddo laba bilood ah laga joogo tan iyo balanqaadkaas iyadoo sidoo kale horay guddiga gaar ah ee uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macalin Maxamuud loogu xilsaaray qabashadeeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here