Muqdisho, Soomaaliya – Warbixin rasmi ah oo kas oo baxday Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay in magaalada Boorama ay ka mid tahay magaalooyinka ugu faqriga yar guud ahaan dalka Soomaaliya.
Warbixintaan ayay Haydadda ku soo bandhigtay Mashruuca tirakoobka Soomaaliya ee wejigiisa labaad, oo ay ku jiraan warbixinta faqriga heer degmo iyo warbixinta sicirka badeecadaha ee rubuca koowaad ee Soomaaliya oo maanta ka dhacday Muqdisho.
Warbixintan oo salka ku haysa xog uruurin ka socotay heer degmooyin ayaa lagu falanqeeyay heerarka faqriga ee gobollada iyo degmooyinka Soomaaliya, iyadoo la adeegsanayo habka xisaabeed ee Fay-Herriot.
Sida lagu sheegay warbixinta, Boorama ayaa ka soo baxday qiimeynta heerka faqriga hooseeya, iyadoo heerka faqriga noqotay 34.3% marka loo eego magaalooyinka kale ee Soomaaliya.
Hay’adda Tirakoobka Qaranka ayaa sidoo kale tilmaantay in magaalooyinka qaar sida Baydhabo, Kismaayo, iyo deegaannada kale ee koonfureed ay weli la daalaa dhacayaan heerarka faqriga ee aad u sarreeya, taas oo u baahan in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu yareynayo saboolnimada, loona horumarinayo adeegyada aasaasiga ah.
Xogta warbixinta ayaa ka timid Sahanka Qoysaska Isku-dhafan ee Soomaaliya ee la sameeyay 2022, kaas oo ah sahanka ugu ballaaran ee lagu ogaanayo heerka faqriga. Habka Fay-Herriot ee loo adeegsaday warbixinta ayaa awood u siiyay in lagu qiimeeyo faqriga heer degmo.
Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in ay noqon doonto mid muhiim u ah qorsheyaasha iyo siyaasadaha dowladda ku wajahdo la dagaalanka faqriga, iyadoo lagu beegsan doono degmooyinka iyo magaalooyinka ku badantahay faqriga.
Warbixintan ayaa guud ahaan ku boorinaysa dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka in ay xoogga saaraan maalgelinta magaalooyinka sida Boorama, si loo sii xoojiyo horumarka dhaqaalaha, isla markaana looga hortago faqriga baahsan ee ka jira gobollada kale ee Soomaaliya.