Sunday, June 15, 2025
Array

Mahad Salaad agaasimihii hore ee Cusub oo xilka la wareegay.

Wuu baxay, wuu soo laabtay, Mahad Maxamed Salaad ayaa sanad iyo laba bil ka dib xilka kala wareegay agaasimihii uu asaga xilka ku wareejiyay.

Xaflad xil wareejin ah oo maanta ka dhacday Xarunta hay’adda nabad sugidda qaranka ee NISA ayaa waxaa xilka si rasmi ah ula Wareegay agaasimihii hore ee Cusub Mahad Maxamed Salaad, Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Maxamed Salaad, waxa 2012 markii ugu horreysay loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sanadkii 2016 ayaa mar 2aad Mahad Salaad loo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale mar saddexaad 2021 ayaa loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka JFS.

Sanadkii 2013 waxaa loo magacabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaddibna waxa uu u wareegay dhanka Madaxtooyada markaas noqday Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada.

May 26, 2022 madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib u doorashadiisa ka dib Mahad Salaad u magacaabay agaasimaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, isagoo xilkaas hayay illaa April 4, 2024, markaas oo laguna beddalay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo xilkaas hayay ilaa maanta uu xilka, dibna uu ugu wareejiyay agaasimihii uu xilka kala wareegay, Mahad Maxamed Salaad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here