By Sayyid Omar
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa shir degdeg ah oo ay maanta isku yimaadeen ku ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad.
“Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA,” ayaa lagu yiri, qoraal ka soo baxay Xafiiska Xukuumadda.
Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe muddadii uu xilka hayey iyo shaqadii uu hay’adda ka qabtay.
Waa kuma Mahad Maxamed Salaad?
Mahad Maxamed Salaad, waxa uu sanadkii 1980kii ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose, Dhexe uu qeyb ka mid ah ku qaatay gudaha Soomaaliya, halka qeyb-na uu ku qaatay dalka Kenya. Mahad Salaad, waxa uu waxbarashadiisii dugsiga sare, heerkiisa koowaad iyo labaad ee jaamacadda ku soo qaatay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Mahad Maxamed Salaad, waxa uu siyaasada ku soo biiray sanadkii 2011kii, isagoo uu ka mid noqday xubnihii xisbigii PDP. Sanaddii 2012 ayaa Mahad Salaad markii ugu horreysay loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sanadkii 2013 waxaa uu ka mid noqday Golaha Wasiirada Soomaaliya, isaga oo loo magacabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaddibna waxa uu u wareegay dhanka Madaxtooyada markaas oo loo dhiibay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada. Sanadkii 2016 ayaa mar 2aad Mahad Salaad loo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale mar saddexaad 2021 ayaa loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka JFS.
May 26, 2022 madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib u doorashadiisa ka dib Mahad Salaad u magacaabay agaasimaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, isagoo xilkaas hayay illaa April 4, 2024, laguna beddalay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo xilkaas hayay tan iyo June 1, 2025, dibna uu ugu wareejin doono agaasimihii uu xilka kala wareegay, Mahad Maxamed Salaad.