Sunday, June 22, 2025

Maraykanka oo Weeraro Cirka ah ka geystay goobaha Nukliyeerka Iiraan

WASHINGTON (Dawan ) –Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay fuliyeen duqeymo guul leh oo ay ka fuliyeen saddex goobood oo muhiim ah oo Nukliyeerka Iran ah. Duqeymahan oo looga dan leeyahay in wax looga qabto awoodaha Nukliyeerka ee Iran, ayaa loo arkaa mid sii xumaanaya colaadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iran. Duqeymaha ayaa lala beegsaday xarumaha Nukliyeerka ee Fordow, Natanz, iyo Esfahan, kuwaas oo muhiim u ah barnaamijka kobcinta Yuraaniyaamka Iran.

Trump ayaa shaaca ka qaaday in “buux bambaanooyin ah” lagu soo tuuray xarunta Nukliyeerka ee Fordow, oo ah mid ka mid ah goobaha ugu adag ee Iran ee dhulka hoostiisa, looguna talagalay inay ka hortagto duqeymaha caadiga ah. Weeraro dheeraad ah ayaa lagu qaaday Natanz iyo Esfahan. “Diyaaraduhu waxay si ammaan ah ugu  sii socdaan gurigooda. Hambalyo ciidankeena weyn ee Maraykanka. Ma jiro ciidamo kale oo adduunka ah oo sameyn kara waxan,” ayuu Trump ku sheegay qoraal uu ku soo dhigay baraha bulshada.

Iran ayaa sheegtay in ay faarujiyeen goobihii ay ku sugnaayeen ka hor inta aysan duqeynta dhicin, Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa ku dhawaaqay xarumaha tayeynta nukliyeerka “gebi ahaanba la tirtiray.”

Sidoo kale Iraan Iyada oo ka jawaabeysa weerarrada Mareykanka, waxay ka digtay “burbur aan laga soo kaban karin” iyo suurtagalnimada “dagaal dhan walba ah.” Dowladda Iiraan ayaa horey u beenisay in ay doonayso in ay horumariso hub nukliyeer ah.

Iiraan ayaa sidoo kale ku hanjabtay in ay weerari doonto saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla gobolka, iyadoo si gaar ah u beegsan karta Mina Salman ee Bahrain, iyo sidoo kale Strait of Hormuz, oo ah marin muhiim u ah dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo safarka shidaalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo madaxda caalamku ay ku baaqeen in xiisadda la dejiyo si looga hortago colaad kale, loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here