Saturday, March 15, 2025
Array

Mareykanka oo Duqeyn Ka Fuliyey Ceel Baraf.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ay fuliyeen duqeymo cirka ah oo is-difaacid ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kadib codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya.

Duqeynta oo ka dhacay nawaaxiga Ceel Baraf ee dowlad goboleedka hirshabeele ayaa sida ay sheegeen taliska, lagu beegsaday dhowr dagaalyaal oo ka tirsan Al-Shabaab iyo gaari ay wateen. Qiimeynta ugu horreysa ee talisku waxay muujineysaa in duqeynta aysan waxyeello gaarsiin dad rayid ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in Al-Shabaab ay marar badan weerarro la beegsadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa saaxiibada la ah, taasoo khatar ku ah danaha amniga Mareykanka. Sidaas darteed, Mareykanku wuxuu sheegay inuu sii wadayo iska kaashiga Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab ee fulinta weerarro halis gelin kara amniga Mareykanka iyo danihiisa caalamiga ah.

Saraakiisha Mareykanka ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday, iyaga oo xusay in taasi qeyb ka tahay ilaalinta amniga howlgalada socda.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda, saaxiibadooda caalamiga ah iyo kuwa deegaan oo isku garab ah iyo Alshabaab ayaa si aad ah ugu socday deegaanadda gobolada hiiraan iyo shabeelaha shexe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here