Wednesday, April 16, 2025

Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubin Daacishta Soomaaliya ah

Boosaaso, Soomaaliya – Howlgalka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in, iyagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya, ay duqeyn diyaaradeed ka geysteen woqooyi bari magaalada Boosaaso.

Warsaxaafadeed uu soo saaray AFRICOM maanta ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ku dileen hal xubin oo ka tirsan Daacish, iyadoo aanay waxyeello gaarin dad rayid ah.

“Qiimeynta AFRICOM ee hadda jirta ayaa muujinaysa in duqeyntii ay dishay hal argagixiso oo ka tirsan Daacish, iyadoo aanay waxyeello gaadhin dad rayid ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, howlgalku wuxuu xaqiijiyay in Daacish Soomaaliya ay awood u leedahay inay khatar geliso amniga Mareykanka iyo inay weerarato.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in AFRICOM ay sii wadayso iskaashiga ay la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo yareeyo awoodda daacishta-Soomaaliya ee qorsheynta iyo fulinta weerarada khatarta ku ah danaha Mareykanka gudaha iyo dibaddaba.

Mareykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, isagoo ka taageeraya duqeymaha cirka ee lala beegsado xubnaha Daacish iyo Al-Shabaab oo ay dowladda Soomaaliya dagaal kula jirto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here