Friday, July 18, 2025

Maraykanka oo gaadiid dagaal ugu deeqday Boliiska Soomaaliya

Muqdisho(Dawan)– Dowladda Maraykanka ayaa maanta gaadiid dagaal oo cusub siisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada la dagaallanka argagixisada, si loo xoojiyo awoodooda hawlgalka ee ka dhanka ah amni-darrada.

Gaadiidkan oo ka kooban Toyota Hilux iyo Toyota Land Cruiser, kuwaas oo si weyn loogu isticmaalo howlaha amniga iyo ciidan ee dhulalka adag, ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey Taliyaha Ciidanka Boliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyadoo uu  ku wareejiyey Safiirka ku-xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya,  Steven Gillen, xaflad kooban oo ka dhacday Muqdisho.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Ciidanka Boliiska, gaadiidka waxaa lagu bixiyey kaalmada Waaxda La-dagaallanka Argagixisada ee Dowladda Maraykanka, waxaana loogu talagalay cutubyada khaaska ah ee hawlgallada ka dhan ah kooxaha ka dagaallama Soomaaliya.

“Gaadiidkan waxaa isticmaali doona cutubyada la-dagaalanka argagixisada ee si weyn loo tayeynayo,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Asad, isaga oo bogaadiyay iskaashiga sii socda ee dowladda Maraykanka ,sida lagu sheegay bayaanka Booliska.

Dowladda Mareykanka ayaa ah taageero muhiim ah oo dhinaca amniga  Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarrada, qalabeynta iyo taageerada howlgalka ee ciidamada booliska iyo kuwa milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Daacish .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here