Wednesday, August 20, 2025

Mareykanka oo $10 Milyan a ku bixinaya keenista xogaha Daacish

Muqdisho (Dawan ) – Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii ku dhawaaqday abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan taas oo ay siinayso qof kasta oo keena xog horseedi karta in laga hor tago shabakadaha maaliyadeed ee Daacishta Soomaaliya, oo ay sheegtay inuu yahay mid ka mid ah faracyada ugu firfircoon ee kooxda ku leedahay Afrika.

Barnaamijka Abaalmarinta Cadaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bartiisa x ku sheegay in Daacishta Soomaaliya dhaqaale ka soo xareyso siyaabo sharci-darro ah oo ay ka mid yihiin baad, lacag dhaqid, afduub lacag loogu qafaasho, hub kala gudbin, burcad-badeednimo iyo isticmaalka lacagaha dijitaalka ah (cryptocurrency).

Dowladda Mareykanka ayaa ballanqaadday in qof kasta oo bixiya xog wax ku ool ah oo lagu hor istaagi karo hawlahaas uu xaq u yeelan karo abaalmarin lacageed ama dib-u-dejin.
“Ma haysaa xog ku saabsan ISIS-Soomaaliya? Soo gudbi wixii xog ah ee aad hayso. Waxaad u qalmi kartaa abaalmarin ama dib-u-dejin,” ayaa lagu yiri qoraalka barnaamijka.

Barnaamijka ayaa Qof kasta oo xog haaya ku dhiirrigeliyay inuu la soo xiriiro isagoo adeegsanaya aaladaha amniga leh ee ay ka mid yihiin WhatsApp, Telegram, iyo Tor.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Soomaaliya weli ku jirto dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo Daacish-ta Soomaaliya ay ku sugan yihiin buuraleyda Puntland, halkaas oo dagaallo culus ay ka socdaan.

Mareykanka ayaa door weyn ku leh la-dagaallanka kooxahan, isaga oo ka mid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee amniga Soomaaliya, kana qeyb qaata tababbarro ciidan, taageero sirdoon iyo duqeymo cirka ah oo lagula dagaallamo xagjiriinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here