AshaElmi
Golaha Xiriirka Muslimiinta Maraykanka (CAIR) ayaa ka digay in maamulka Donald Trump uu qorsheynayo in uu soo rogo xayiraad cusub oo saameyn ku yeelan karta dalal Muslimiin ah, kuwaas oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Bayaan ay CAIR soo saartay Khamiistii, ayaa muhaajiriinta sharciyeysan ee ku sugan Mareykanka lagula taliyay in aysan dibadda uga safrin bishan gudaheeda, maadaama ay jirto khatar la xiriirta xayiraad cusub oo la filayo in la shaaciyo.
“Sababo la xiriira suurtagalnimada in maamulka Trump uu bishan ku dhawaaqo xayiraad cusub oo saameynaysa Muslimiinta, waxaan kula talineynaa muwaadiniinta sharciyeysan, ardayda ajnabiga ah, shaqaalaha, bukaannada, qaxootiga iyo dalxiisayaasha ka soo jeeda dalalka la beegsan karo in aysan ka bixin Mareykanka 30-ka maalmood ee soo socda, haddii aysan jirin sabab lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Agaasimaha Arrimaha Dowladda ee CAIR, Robert S. McCaw.
Dalalka La Beegsan Karo
CAIR waxay sheegtay in aysan si rasmi ah u xaqiijin karin haddii maamulka Trump uu soo saarayo xayiraad cusub, balse warbixinno la helay ayaa muujinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu mamnuuco gelitaanka muwaadiniinta Afghanistan iyo Pakistan.
CAIR waxay ugu baaqday muhaajiriinta ku sugan Mareykanka ee ka soo jeeda Afghanistan, Ciraaq, Iran, Liibiya, Falastiin/Gaza, Pakistan, Soomaaliya, Suudaan, Suuriya iyo Yemen in aysan safar caalami ah qaadan ilaa inta ay ka caddeyso xayiraadda cusub ee la filayo.
“Waxaan kula talineynaa muhaajiriinta ku sugan Mareykanka ee ka soo jeeda dalalka la beegsan karo in ay ka fogaadaan safarrada caalamiga ah ilaa ay dhaafto xilliga xayiraadda cusub lagu dhawaaqayo,” ayuu yiri McCaw.
CAIR waxay sidoo kale ugu baaqday maamulka Donald Trump in uu dib uga fiirsado xayiraad kasta oo lagu bartilmaameedsanayo dalal Muslimiin ah, iyagoo ku dooday in arrintani ay tahay mid siyaasadeysan oo la marsiinayo marmarsiinyo amniga qaranka.