Istanbul (Dawan ) – Markabka cilmi-baarista Oruç Reis ayaa maanta ka gudbay biyaha Bosphorus ee Turkiga, isagoo ku xiran doona dekedda Filyos 4-ta Luulyo. Markabkan, oo ka soo baxay Muqdisho 15-kii Juun, ayaa dhammeystay howlgalkii koowaad ee sahminta shidaalka xeebaha Soomaaliya, waxaana uu ka mid ahaa heshiisyada wadajirka ah ee u dhexeeya Turkiya iyo Soomaaliya.
Sida uu sheegay Wasiirka Tamarta & Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar howlgalka markabkaani ayaa u dhacay si qorshaysan. “Oruç Reis ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay hawshii ay ka wadeen Soomaaliya, kadib safar 20-maalmood ah,” ayaa ku yiri wasiirka qoraal uu ku daabacay bartiisa X.
Markabka Oruç Reis, oo ka hawlgalayay badaha Soomaaliya tan iyo Oktoobar 25, 2024, ayaa dhammeystay sahamintiisa shidaalka ee xeebaha Soomaaliya bishii Juun. Intii uu howlgalka ku guda jiray, markabku waxa uu soo aruuriyay xog saddex-cabbir ah oo dhul-badeed ah, taasoo ku saabsan dhul dhan 4,464 kiiloo mitir oo isku wareeg ah, kuwaasoo ku yaalla saddex baloog oo badda Soomaaliya ah.
Ka gudbida markabka Oruc Reis ee Bosphorus ayaa si rasmi ah u calaamaday dhammaadka hawlgalkeedii Soomaaliya, iyadoo dowladda Turkiya ay ku tilmaantay howlgalkani mid guul leh oo lagu soo gabagabeeyay.