Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, Badar Cabulcaadi, ayaa Arbacadii khadka taleefanka kula hadlay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Suudaan, Cumar Siddiiq, iyagoo ka wadahadlay xaaladda colaadeed ee Suudaan iyo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xasilooni iyo nabad.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla meel dhigeen “xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada dhow ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.” Waxa kale oo lagu sheegay in dib loo eegay “dadaalka joogtada ah ee ay Masar ku bixineyso sidii loo gaari lahaa nabad iyo xasillooni Suudaan, iyo sidii loo ilaalin lahaa qiimaha dadka walaalaha ah ee Suudaan,” taas oo qeyb ka ah doorka ay Masar ku leedahay Quadrat-ka Caalamiga ah ee Suudaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sidoo kale xaqiijiyay “taageerada joogtada ah ee Masar u hayso madaxbannaanida Suudaan, hay’adaha qaran, midnimada dhulkiisa iyo amniga xuduudihiisa,” isaga oo si cad u muujiyay in Masar “ka soo horjeedo tallaabo kasta oo wax u dhimi karta midnimada walaaltinimo ee Suudaan.”
Dhankiisa, Wasiirka Dowladda ee Suudaan Omar Siddiq ayaa u mahadceliyay “taageerada joogtada ah ee ay Masar siiso madax-bannaanida iyo amniga dalka Suudaan,” isagoo sidoo kale muujiyay “rajo uu ka qabo in la sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.”
Wadahadalladan ayaa dhacay iyadoo xaalad cakiran ka taagan tahay gudaha Suudaan, kadib markii urur la baxay “Isbahaysiga Aas-aaska Suudaan,” oo uu hoggaamiyo ciidanka RSF ee Sudan, uu ku dhawaaqay maamul cusub oo dhan ah dolwadda dalkaas uuna hoggaaminayo taliyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo. Ku dhawaastaas aya atimid kadib markii RSF iyo kooxo la safan ay bishii Febraayo 22, 2024, heshiis ku saxiixeen magaalada Nairobi ee Kenya si loo dhiso dowlad kale oo ku meel gaar ah.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF) iyo ciidanka RSF ayaa bilowday bishii Abriil 2023, wuxuuna sababay dhimashada in ka badan 20,000 qof iyo barakaca ku dhawaad 14 milyan, sida ay sheegayaan Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah.