Saturday, June 21, 2025

Qabribayax oo bilaawday mashruuc biyo-gelin oo $21 Milyan ah

Qabribayax, DDS (Dawan Africa) – Mashruuc weyn oo biyo-gelin ah ayaa si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Qabribayax ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, kaas oo lagu xallinayo baahida biyaha ee muddo dheer ka jirtay magaalada. Mashruucan oo qiimahiisu gaarayo 1.2 bilyan oo birr (ugu dhawaan 21 milyan oo doollar Mareykan ah), waxaa dhagax dhigay 20 Juun 2025 Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Maxamed Cumar.

Madaxweynaha Mustafe ayaa ka hadlay xafladda dhagax-dhigga, isagoo sheegay in mashruucan uusan ahayn mid kaliya dhagax-dhig ama ballanqaad, balse uu yahay mashruuc si buuxda loo maalgeliyey oo shirkadda dhisi doonta ay diyaar u tahay inay shaqada si degdeg ah u bilowdo.

“Mashruucani ma aha kaliya dhagax-dhig ama ballanqaad, waa mashruuc lacagtiisa diyaarsan tahay, shirkaddu diyaar ayey u tahay inay si degdeg ah u bilowdo,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe isagoo la hadlayay dadweynaha goobta ku sugnaa.

Boqolaal qof oo deegaanka ah ayaa ka soo qayb galay munaasabadda dhagax-dhigga, taasoo muujisay baahida xooggan ee bulshada u qabaan biyo nadiif ah oo joogto ah. Mashruuca ayaa la filayaa in uu ka faa’iideysto in ka badan 83,000 oo qof, kuwaas oo deggan magaalada Qabribayah iyo tuulooyinka ku dhow. Mashruuca waxaa la qorsheynayaa in lagu dhameystiro muddo sanad iyo lix bilood gudahood.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa horey uga hirgelisay mashruucyo biyo-gelin ah magaalooyinka Jigjiga, Godey, Dhagahbuur, Gaashaamo iyo Iimey Bari, kuwaasoo si weyn uga qayb qaatay horumarinta nolosha shacabka.

Shacabka magaalada Qabribayax ayaa muddo dheer sugayay biyo nadiif ah oo ku filan, waxaana mashruucan loo arkaa inuu yahay xal muhiim u ah dhibaatooyinkii biyo la’aanta ee muddo dheer ka jiray magaalada. Dhameystirka mashruucan ayaa la filayaa inuu si weyn u hagaajiyo tayada nolosha dadka ku nool magaalada iyo deegaanada ku hareeraysan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here