Wednesday, May 28, 2025

Masuuliyiinta Maxkamadda DDS oo booqday Ardayda Baraneysa Sharciga

by Abukar Osman

Masuuliyiinta Maxkamadda Guud ee Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa booqasho ugu tagay in ka badan 300 oo arday oo ku xareysan Jaamacadda jigjiga, Masuulinyiinta iyo madaxda Jaamacadda Jigjiga ayaa kulan wadajir ah la yeeshay ardaydaan ka tirsan jaamacadda kuwaas oo ku jira barashada culuumta sharciga.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in la ogaado xaaladda waxbarashada iyo horumarka ardayda.

Ardaydan oo tiradoodu gaareyso 327, ayaa laga soo xulay 11 gobol iyo lixda maamul magaalo oo ka tirsan Deegaanka Soomaalida, iyadoo loogu talogalay in ay bartaan cilmiga garsoorka si mustaqbalka ay uga shaqeeyaan horumarinta garsoorka deegaanka. Cabdikariim Axmed Muxumed, Gudoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Guud ee DDS, ayaa warbaahinta usheegay in maxkamadu ay waddo dadaallo lagu horumarinayo tayada garsoorka, isagoo ardayda ku dhiirrigeliyey inay si buuxda uga faa’iidaystaan waxbarashadooda si ay bulshada ugu adeegaan si hufan oo cadaalad ku dhisan

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here