Thursday, July 3, 2025

Masuuliyiinta Somaliland ku matala Federaalka oo qaadacay 1da Luulyo

Muqdisho (Dawan) – 1-da Luulyo, Muqdisho waxaa looga yaqaanaa maalinta midnimada, balse Hargeysa waxay ugu asteysan tahay maalin madow oo odayadoodii si aan ka fiirsasho lahayn ula midoobeen Koofur.

Somaliland waxay leedahay xukun dhul ka tiliyo, dadna u arrimiyo, ammaan ah, hay’ado dowladeed oo shaqeeya, calan iyo lacag gaar ahna leh. Waxayna baadi goob ugu jirtaa in loo aqoonsado dowlad madax bannaan. Mid ka mid ah su’aalaha ay jawaabta u waayeen maamulladii Somaliland soo maray waxay ahayd in masuuliyiin ka soo jeeda Somaliland ay xubno firfircoon ka yihiin dowladda Federaalka, taasoo ka dhigan in reer Waqooyigu aysan ka mideysnayn arrinta gooni isu taagga! Balse sanadkan waxaa muuqda isbedel weyn oo arrintaas ku saabsan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya , Saalax Jaamac, Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, iyo Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxay si wadajir ah u qaadaceen xuska maalinta 1-da Luulyo ee Midnimada iyo xorriyadda Koofurta, iyagoo ku gaabsaday hambalyada 26-ka Juun ee xornimada Waqooyiga Soomaaliya.

Xogtaan waxa aan ku saleynnay oo kaliya dhaqdhaqaaqyada Baraha Bulshada ee Facebook iyo Twitter ee masuuliyiintaan.

Dawan TV, oo si dhow ula socday baraha bulshada Wasiirradan, xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee dowladda xilalka ka haya ee ka soo jeeda beesha Dhexe ee Somaliland, ayaa gaartay in isbedel dhanka fikirka ah oo abaabulan oo arrintan la xiriira uu jiro. Arrinkaan ma saameyn oo kaliya bogagga shaqsiga ah ee masuuliyiintan, balse sidoo kale waxa uu saameeyay boggaga hay’adaha dowladeed ee ay maamulaan, sida Bangiga Dhexe.

Arrinkaan, oo is-weydiimo ku dhex abuuraya sababaha keenay isbedelkan, ayaa waxaa la sugayaa tallaabada uu madaxweyne Xasan Sheekh qaadi karo, waxa ay la macno tahay ma ajendaha madax-bannaanida Somaliland mise ku qanacsanaan la’aanta gudaha ee hannaanka federaalka?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here