Muqdisho – Xisbiga Himilo Qaran ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga digay culeysyada dhaqaale ee shacabka caasimadda wajahayaan, gaar ahaan canshuuro badan oo xisbiga ku tilmaamay kuwa ka baxsan xeerka maaliyadeed.
War-saxaafadeedka xisbiga ayaa lagu sheegay in canshuuraha la qaadayo aysan wax horumar ah dalka loogu qaban, taasoo dhalisay walaac xooggan oo ku aaddan maamulka dhaqaale ee dowladda.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu bartiisa internet-ka ku daabacay ku sheegay in maalintii saddexaad uu xiran yahay suuqa Bakaaraha, sababo la xiriira canshuurta iyo adeegyada kale ee dowladeed.
Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa iyaguna ka hadlay culeysyada dhaqaale ee saameeyay ganacsigooda. War-saxaafadeed ay soo saareen Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay dhibaato kala kulmayaan:
- Balan-qaadyadii hore ee dowladda oo aan la fulin.
- Canshuuraha xad-dhaafka ah ee ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.
- Hanjabaado joogto ah oo ay kala kulmaan ciidamada nabadsugidda.
- Adeegyada dekedda oo ay bixiso shirkadda ALBAYRAK ee laga leeyahay Turkiga.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhowr jeer oo hore eedeyn u jeediyay dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda, iyagoo ku eedeeyay in ay shacabka ku soo rogeen canshuuro xad-dhaaf ah, taasoo si toos ah u saameysay ganacsatada.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u ballan qaaday in ay xallin doonto cabashooyinka ganacsatada, balse ganacsatadu waxay sheegeen in aysan weli wax xal ah helin.
Xiisaddan dhaqaale ayaa imaanaysa iyadoo dad badan ey qabaan in dhaqaalaha dalka uu wajahayo caqabado waaweyn, muuqatana in muranka ka dhashay canshuuraha uu saameyn ballaaran ku yeeshay ganacsiga iyo noloshada shacabka caasimadda.