Sunday, September 8, 2024

Maxaan ka ognahay shirka Qurba-joogta ee ka dhacaya Qatar?

Dooxa (Dawan)- Magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, waxay martigelineysaa 22 ilaa 24 bishan July Shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyada oo la qorshaynayo inay kasoo qayb galaan Qurba-joogta ku kala nool daafaha dunida, sida Yurub ee Waqooyiga America.

Shirka oo hal ku dhig looga dhigay “Jihaynta awoodda Qurba-joogta Soomaaliyeed si loo gaaro Soomaaliya bilan oo barwaaqo ah” waxaa la isku waydaarsan doona fikrado la xiriira mustaqbalka Qurba-joogta iyo dalka Soomaaliya.

Si xooggan waxaa diiradda loo saari doona arrimaha tahriibka, la qabsiga dalalka ay Soomaalidu tagaan, ilaalinta dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, caqabadaha iyo fursadaha ka jira Soomaaliya, iyada oo laga eegayo dhinacyada amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha

Yaa kasoo qaybgelaya shirka?

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inay shirka ka qaybgalaan, iyada oo ay sidoo kale ay jiraan mas’uuliyiin ka kala socda hay’adaha dowladda ee kala duwan.

Aqoonyahano, fannaniin, ganacsato, xirfadley, weriyaal iyo shakhsiyaad ka kala socda ururada bulshada ayaa la filaya inay ka yimaadaan daafaha dunida si ay uga qayb qaataan shirwaynaha Qurba-joogta oo sannadkan loosoo wareejiyay Qatar.

Ka qaybgalayaashu waxay fursad u heli doonaan inay soo bandhigaan fikradahooda iyo waaya aragnimadooda si loo abuuro iskaashi cusub oo gacan ka gaysan kara dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Shirka waxaa sidoo kale lagu iftiimin doona guulaha ay soo hoyeen Qurba-joogta, kuwooda ku nool weli dibadda iyo kuwa kale ee kusoo laabtay dalkooda kana qaybqaatay dib u dhiska iyo maalgelinta dalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxay soo bandhigtay sida ay uga go’antahay
hubinta in shirkan uu horseedo isbedel wanaagsan, xoojinta dareenka waddanimo, midnimada iyo waxyaabaha ay wadaagaan Qurba-joogta Soomaaliyeed.

Yoolka Shirka

Shirku waxa uu hiigsanaya inuu ka mira dhaliyo sadeex arrin oo kala ah;

1- in la sameeyo madal iskaashi oo ka dhexeysa dhamaan Qurba-joogta Soomaaliyeed, si ay aayahooda iyo danahooda uga tashadaan una difaacdo xuquuqdooda

2- in la sahmiyo qaabka ugu habboon ee looga faa’ideysan karo fikradaha iyo hantida Qurba-joogta si ay uga qayb qaataan maalgashiga dalkooda

3- in laga shaqeeyo sidii Qurba-joogto uga qayb qaadan lahayd metelaadda dalkooda iyo muujinta dhaqankooda marka ay joogaan dunida kale. Hindisahaan ayaa looga dan leeyahay in wax laga beddelo aragtida dunidu ka haysato Soomaaliya iyo kobcinta iswaydaarsiga dhaqamada.

Xukuumadda Soomaaliya oo a ad ugu howlaneed waayihii ugu dambeeyay xasilinta dalka iyo diyaarinta shuruucda la xiriirta maalgashiga ayaa sidoo kale dooneysa inay ku qanciso Qurba-joogta inay dib ugu soo laabtaan dalkooda, iyaga oo ka samaysanaya maalgashi sida ay u maalgashadeen dalalka deriska iyo kuwa kae uu dunida ah.

Shirka nuucaan ah, waxaa hore loogu qabtay laba jeer dalka Turkiga, hadana waa markii ugu horeysay ee lagu qabto Qatar oo ka mid ah dowladaha sida dhow xiriirka ula leh Soomaaliya.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Dowladda Qatar ayaa ku guulaysatay bishii May 2021, dhex-dhexaadintii iyo dib u soo celinta xiriiirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo xilligaas mugdi soo kala dhex gelay, waxaana jira warar hoose oo tibaaxaya inay dhexdhxeaadin doonto dowladda iyo Al-Shabaab in kasta oo mas’uuliyiinta labada dowladood aysan xaqiijin arrintan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here