Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo maalamahaanba ku sugnaa magaalada Addis Ababa ayaa kulan la qaatay Taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia Field Marshal Birhanu Jula.
Telefeshinka jubaland oo baahiyay sawirrada kulanka ayaa sheegay in labada dhinac ka wada haldeen arrimaha la dagaallanka ururka Alshabaab iyo amniga xuduudda dowladda Ethiopia la leedahay gobollada Jubbaland. Waxayaabaha kale ee la isla soo qaadya ayaa waxaa kamid ah isu socodaka dhanka xuduudda iyo wada shaqeyn dhow oo ay yeeshaan labada dhinac.
Kulanka ayaa imaanaya laba maalin kadib markii madaxwenahay Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia ay Ankara ku gaareen heshiis hadal heyn badan dhaliyay oo lagu sheegay inuu soo afjarayo khilaaf muddo sanad ah ka dhex jiray labada dowladood. Heshiiska waxa uu xusayay in labada dhinac ixtiraamaan, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowlad walba.
Sidoo kale tallaabadan ayaa daba socota eedeyn ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Ehtiopia oo ay sheegtay in diyaaradda soo qaaday wafdiga madaxweyne ku xigeenka ay hub iyo saanad ciidan geysay Kismaayo, taas oo kaalin ka qaadatay in laga gacan roonaaday ciidanka Milatariga Soomaaliya eek u sugnaa Raas kambooni.
Kulankan ayaa su’aalo badan dhalin kara marka la fiiriyo heshiiskii Ankara iyo dagaalkii Raaskambuuni iyo xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Jubalanad ka dhaxeeya.