Moqdisho (Dawan) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ee caasimadda Soomaaliya ayaa 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay haweeney lagu helay dambiyo la xiriira lacag dhaqid iyo maalgelinta ururka hubeysan ee Al-Shabaab.
Sida uu sheegay xafiiska xeer-ilaalinta, Maxkamadda Isniintii waxay ku xukuntay Nadiifa Xasan Cabduqaadir xabsi dheer iyo ganaax lacageed oo dhan $20,000, iyadoo sidoo kale amartay in dhammaan hantida ku jirta akoonadeeda bangiga lagu wareejiyo dowladda.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in baaritaannadu muujiyeen in in ka badan $1.23 milyan ay soo martay akoonada Nadiifa, lacagtasoo loo adeegsaday taageeridda hawlgallada Al-Shabaab.
Bayaan kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha ayaa lagu adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto la dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacagaha sharci darrada ah, iyadoo shacabka lagu wargeliyay in laga fogaado xiriir kasta oo la xiriira falalkan, haddii kalena maxkamad la horkeeni doono.