Saturday, September 13, 2025

Midowga Afrika iyo Imaaraadka oo ka wada hadlay dhexdhexaadinta Soomaaliya

Abu Dhabi, 13 Sebtember 2025 — Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU) Maxamuud Cali Yuusuf ayaa Jimcihii kula kulmay Abu Dhabi Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.

Sida ay Midowga Afrika ku sheegay war-saxaafadeed, wada-hadalladu waxay diiradda saareen ballaarinta iskaashiga dhinacyada tamarta la cusboonaysiin karo, kaabayaasha dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo ganacsiga. Ururuku waxa uu sheegay in labada dhinac ay isla garteen inay xoojiyaan wada-shaqaynta ku aaddan dadaallada nabadeynta & dhexdhexaadinta iyo xaaladaha kale ee u baahan xasillooni iyagoo magacaaway Soomaaliya.

“Waxaan isku raacnay inaan sii xoojino wada-shaqaynta ku saabsan dadaallada nabadda iyo dhexdhexaadinta, sida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Afrika.

Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo AU ay doonayso inay ballaariso iskaashigeeda dibadda ee ka baxsan xulafadeeda qaarada ah, halka UAE ay sii waddo kor u qaadista muuqaalkeeda diblomaasiyadeed ee Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here