Malabo(Dawan)– Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ayaa ogolaaday in lagu daro $10 milyan oo dheeri ah oo ka yimid Sanduuqa Gurmadka Xasaradaha (CRF) si loo taageero dadaallada nabadgelyada iyo xasilinta Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa in guud ahaan lacagta Midowga Afrika u qoondeeyey Soomaaliya sannadka 2025 ay noqoto $20 milyan.
Go’aankan ayaa lagu soo bandhigay Kalfadhiga 47aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka dhacay Malabo, Equatorial Guinea 11 July 2025.
Lacagtan waxaa loogu talagalay in lagu taageero Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo dadaallada nabad-dhisidda guud ahaan dalka Soomaaliya.
“Golaha Fulinta ee Midowga Afrika wuxuu oggolaaday in US$10 milyan oo dheeraad ah laga bixiyo Sanduuqa Gurmadka Xasaradaha, taasoo miisaaniyadda Sanduuqa Nabadgelyada ee Soomaaliya ee 2025 ka dhigaysa US$20 milyan si loogu taageero AUSSOM iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Afrika.
Inkastoo lacagta la kordhiyay, haddana AUSSOM waxay wajahaysaa baahi maaliyadeed oo weyn. Miisaaniyadda hawlgalka ee July 2025 ilaa June 2026 waxay gaareysaa qiyaastii $166.5 milyan, halka ilaa hadda la helay kaliya ku dhawaad $16.7 milyan oo ay bixiyeen Midowga Afrika iyo qaar ka mid ah deeq-bixiyeyaasha kale sida uu sheegay Machadka Amani Africa bishii May.
Sidoo kale, waxa uu sheegya in AUSSOM ay horyaallaaan deymo la wareegay ee ka dhashay hawlgalkii ka horeeyay ee ATMIS, kuwaasoo ay ku jiraan $92 milyan oo ah deymaha dhawaan la qaaday(January ilaa Juun 2025) iyo $93.9 milyan oo ah lacago aan wali la bixin oo ay leeyihiin dalalka ciidanka ATMIS ka yimaadeen.
Qorshe lagu taageerayo AUSSOM iyadoo loo marayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee 2719, kaasoo oggolaan lahaa maalgelinta laga helo xubnaha QM, ayaa hakad galay sababo siyaasadeed, taasoo xaddidaysa taageerada caalamiga ah ee joogtada ah.
Midowga Afrika wuxuu hadda raadinayaa maalgelin cusub oo ka timaada dalalka Gacanka (sida Sacuudiga, Imaaraatka, iyo Qatar), islamarkaana qorsheynaya shir caalami ah oo lagu soo jiidanayo deeq-bixiyeyaal cusub, inkastoo qaar ka mid ah deeq-bixiyeyaasha sida Midowga Yurub ay hoos u dhigayaan taageeradooda.
Sida Midowga Afrika uu sheegay, guusha hawlgalku waxay ku xiran tahay isku-duwidda, hoggaaminta Soomaaliyeed, iyo taageerada joogtada ah ee qaaradda.