Wardheer (Dawan) – Maamulka gobolka Doollo ayaa si rasmi ah mootoyin iyo agabyo caafimaad ugu wareejiyay xarumaha caafimaadka ee lix degmo oo katirsan gobolka, iyadoo lagu taageerayo adeegyada caafimaadka aasaasiga ah ee meelaha fogfog.
Degmooyinka lagaarsiiyay moootooyinka ayaa kala ah Bookh, Danood, Galaadi, Wardheer, Lehel-Yucub, iyo Galxamur. Mootooyinka oo gaaraya 8 xabbo ayaa ah nooca laba lugleyda ah, waxaana maalgeliyay Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida (DDS).
Isku duwaha xafiiska caafimaadka ee gobolka Doollo ayaa sheegay in mootooyinkaan loogu talagalay in lagu gaarsiiyo adeegyada tallaalka carruurta meelaha ay adag tahay in lagu tago gaadiid ama lug.
“Si loo yareeyo carruurta aan tallaalka helin weeye waxyaabaha loo keenay mootooyinka, si ay ugu gaaraan meelo uusan gaadiidku geli karin, ama lug aan lagu gaari karin. Taas weeye sababta loo keenay mootooyinkaas,” ayuu yiri Najiib.
Agabka caafimaad iyo mootooyinka ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay masuuliyiinta degmooyinka iyadoo munaasabadda wareejinta lagu qabtay isbitaalka guud ee magaalada Wardheer.
Tani waa markii saddexaad oo Xafiiska Caafimaadka DDS uu mootooyin noocaan ah gaarsiiyo xarumaha caafimaadka deegaanka, si kor loogu qaado gaarsiinta adeegyada caafimaadka ee meelaha aan lgu gaari karin si fudud.